Madaxweyne Mustafe Kulan la yeeshay Hayadaha Amaanka DDS Maanta

Jigjiga (Nogob News) 11/09/2020

Madaxwaynaha DDS,Mustafe Muxumad Cumar, oo uu wahelinayo madaxwayne ku xigeenka DDS, Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa galabta shir la qaatay hayaadaha amaanka ee DDS.Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen Laamaha amniga ee kala gadisan ee ka hawlgala Deegaanka sida, Ciidanka xooga gaarka ah ee DDS, Ciidanka Booliska, Fadaral booliska iyo Ciidanka difaaca Qaranka,

Ayaa lagu qiimeenayay xaaladaha amni iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Deegaanka Soomaalida, oo si gaar ah loogu soo qaaday dhacdadii maalmo ka hor ka dhacday Degmada Tulli-guuleed, taas oo si wayn loogu aamaanay doorkii ay ciidamada amaanka ee Deegaanku ka qaateen maaraynta dhacdadaas, iyada oo gacanta lagu soo dhigay qaar ka mid ah dad lagu eedeenayo inay dilkaas gaysteen, halka qaar kalana lagu raad joogo, sida uu hogaanka nabadgalyada DDS Dr, Xuseen Xaashi Qaasim oo warbaahinta u sheegay Gabagabadii shirkan

Ayaa la soo saraary go’aamo ay ka mid yihiin in lasii xoojiyo amniga iyo degenaanshaha ka jira Deegaanka Soomalida in si wayn loo xakameeyo hubka sharci-darada ah ee soo galay Deegaanka, isla mar ahaantaasna si adag loo sugo xuduudaha uu Deegaanku la wadaago wadamada dariska ah in laga hortago wixii isku dhac ku keeni kara mujtamaca Soomaaliyeed ee ku nool Deegaanka in talaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaado, shakhsiyaadka ku mashquulsan isku dhufashada shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Nogob News

Comments are closed