Gabadh 16 sano jir ah oo dhimirka ka xanuunsan oo lagu kufsaday Garowe

Garoowe (Nogob News) 12/09/2020

Gabadh dhimirka ka xanuunsanaysa oo 16 jir ah ayaa kufsi wadareed loogu kufsaday magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland, sida ay sheegtay hooyada dhashay oo saxaafadda la hadashay.

Gabadhan oo ay qoyskeeda weysanayeen muddo saacaddo ah ayaa waxaa kufsi iyo jirdil u geystay labo nin oo la sheegay inay walaalo ahaayeen oo mid kamid ah gacanta lagu dhigay.

Labada nin ee falkaan geystay ayay hooyada dhashay dhibbanaha sheegtay in ay deris la ahaayeen qoyskooda, iyadoo tilmaamtay markii ay gabadhu gurigeeda ka baxday in ay cidlo ka heleen kadibna ay kufsadeen.

Deeqo Maxamed Cabdi waxay codsatay in cadaalada loo horkeeno dambiilayaasha falkaan ka dambeeyay.

Puntland kiisaska kufsiga ayaa aad ugusoo badanaya, waxaana sanadkan iyo sanadki hore ka dhacay kiisas isugu jira kufsi iyo dil.

Comments are closed