Maxay ka wada hadleen Deni Iyo Waare

Muqdisho (Nogob News) 12/09/2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa hoygiisa Muqdisho ku booqday madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynayaasha ayaa ka wada hadlay sidii loo adkayn lahaa xiriirka labada maamul iyo xaaladda guud ee dalka gaar ahaan doorashooyinka dalka.

Warar hoose ayaa sheegaya in sidoo kale kulankaas lagu xaliyey khilaaf u dhexeeyey labada madaxweyne kaas oo ka dhashay Shirkii Dhuusamareeb 3.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa shirkii ugu dambeeyey ee Baydhabo wuxuu ku duray madaxda Puntland iyo Jubbaland isagoo tusaale ugu soo qaatay nin u dhashay dalka Giriiga oo aaminsanaa inuu isagu dhabarka ku sido culeyska dunida oo idil.

Dhanka kale waxaa maanta oo Sabti ah baaqday shirkii madaxda dowlada federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah oo lagu wadey inuu furmo, maadaama ay Muqdisho ka maqnaayeen qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada.

Shirkan oo lagu qabyo tirayo shirarkii Dhuusamareeb 1,2 & 3 ayaa la filayaa inuu furmo berri oo Axad ah haddii madaxda maqan ay yimaadaan.

Comments are closed