Dowladda Maraykanka oo ku adkaysatay inay dalkeeda ka musaafuriso 39 muwaadiniin Soomaali ah

Minnesota (Nogob News) 19/09/2020

Waaxda amniga gudaha dalka Maraykanka ayaa jawaab ka bixiyay warqad Ilhan Omar u dirtay Laanta Socdaalka iyo Kastamada dalka Maraykanka, taasoo ay ku muujinaysay walaaca ku saabsan masaafurinta muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo dalka Maraykanka ku nool.

Waaxda amnigu waxay sheegtay in la saarayo 39 muwaadin oo Soomaali ah, oo 36 ka mid ahi leeyihiin taariikh dembiyeed oo ay kamid yihiin, dil, kufsi, gacan ka hadal, xadgudub jinsi, dembiyo ka dhan ah carruurta, ka ganacsiga daroogada, iyo taageerada urur argagixiso.

Waxay sheegtay shakhsiyaadkan inay abuureen dhibaatooyin aan la tirin karin oo khatar weyn ku ah shacabka Mareykanka, oo ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota.

Waaxda amniga gudaha, waxay kaloo sheegtay in ay la shaqeyneyso dowladda Soomaaliya si loo tijaabiyo caafimaadka dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dib loogu celinayo dalkooda hooyo.

Waxay tilmaamtay Maxbuus kasta oo ku guuldareysta inuu ka gudbo baaritaanka caafimaadka ama looga shakisan yahay inuu qabo xaalad caafimaad oo suuragal ah inuu u gudbiyo maxaabiista kale ama shaqaalaha, loo diidayo inuu raaco duulimaadka, si baaritaan loogu sameeyo.

Ilhan Omar ayaa warqadeeda ay dirtay waaxda socdaalka Maraykanka waxaa ku jirtay inay cabsi ka qabto in maxaabiista laga masaafurinayo Maraykanka ay cudurka Covid19 ku faafin karaan dalkooda.

Comments are closed