Madaxweyne Farmaajo: Inaan qabto doorasho qof iyo cod ah waxaa iiga muhiimsan inaan dalka isku hayo

 Muqdisho (Nogob News) 19/09/2020

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay sababtii uu uga tanaasulay doorasho qof iyo cod ah in Soomaaliya ka dhacdo, taasoo ahayd waxyaabihii ugu weynaa ee keenay khilaafka siyaasadeed ee ka dhextaagnaa dowladdiisa iyo dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha oo xalay ka hadlayay kulan lagusoo xirayay shirkii hannaanka doorashada heshiiska looga gaaray, ayaa ku micneeyay labo sababood oo uu uga tanaasulay doorashadaas, taasoo midda koowaad ay tahay inuu ka baqsaday in aanay dowlad goboleedyadu ka qey galin doorashadaas iyo in faro galin shisheeye ay timaado.

Madaxweyne Farmaajo ayaa caddeeyay in saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay dowlad goboleedyada isku hayeen in la qabto doorashadaas, halka ay iyaguna ku adkaysteen in aan xilligeedii la gaarin oo ay u baahan tahay ugu yaraan 2 sano.

“Inaan doorasho qof iyo cod ah qabto, waxaa iiga muhiimsan inaan dalka isku hayo kana ilaaliyo in shisheeye soo faro galiyo arrimaheena,” ayuu yiri Farmaajo

Wuxuu sheegay madaxweynuhu in dhamaan shanta dowlad goboleed isku mowqif ku ahaayeen in aan dalka xilligaan la galin Karin doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna sheegay heshiiska hadda la gaaray inay iyagu keeneen.

Comments are closed