Maayer-Kuxigeenka Magaalada Addis Ababa Oo Gaadhay Magaalada Samaara Ee Deegaanka Canfarta

Samaara (Nogob News) 20/09/2020

Kuxigeenka duqa magaaladan Addis Ababa marwo Adanech Abiebie, ayaa gaadhay magaalada Samaara ee deegaanka Canfarta ,si ay gargaar bini’aadanimo ugu fidiso dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.

Markii ay kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee Suldaan Calimirah Xanfare, waxa halkaasi kusoo dhaweeyey madaxa maamulka deegaanka Canfarta Cawel Arba, iyo masuuliyiin kale oo sarsare.

Taageeradan ayaa ka dambaysay ka markii Golaha maamulka magaaladan Addis Ababa uu dhawaan go’aansaday in la gaadhsiiyo gargaar bina-aadamnimo oo qiimihiisu dhan yahay 29 milyan oo birr ,taas oo lagu taageerayo dadka ay saameeyeen aafada fatahaaduha ee ku kala sugan dhammaan deegaannada kala duwan ee dalka.

Guud ahaan, dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay webiga Awash ee ee deegaanka Canfarta ayaa la gaadhsiin doonaa cuntooyin iyo agabyo aan cunto ahayn oo qiimahoodu dhan yahay 12 milyan oo birr.

Comments are closed