Xeer-Ilaalinta Oo 24 Shaqsi Oo Uu Ku Jiro Jawaar Maxamed Kusoo Oogtay Falal Argagixiso

Addisababa (Nogob News) 20/09/2020

Xeer-ilaalinta JDFI ayaa shalay 24 qof oo ay ku jiraan Jawar Siraj Maxamed, Bekele Gerba, Xamza Cadnaan iyo shaqsiyaad kale ku soo oogtay falal argagixiso.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, eedaysanayaasha waxaa sidoo kale ku jira Dejene Gutema oo ka mid ahaa Shabakadda Warbaahineed ee Oromia Media Network, iyo laba nin oo la kala yidhaahdo Birhanemeskel Abebe iyo Tsegaye Ararsa kuwaas oo lagu soo oogay  fal argagixisanimo iyaga oo aan dacwada goob joog ahayn.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee JDFI ayaa sheegay in Dacwad-oogayaasha federaalku ay toban dacwadood oo oo kala duwan kusoo oogeen eedaysanayaasha,iyada oo maxkamadda sare ee Federaalku gaar ahaan laanteeda Lideta ee xafiiska dembiyada uu u cuskanayo faylka lambarkiisu yahay 260215 kuna taariikhaysan bishii Sebtember 16, 2020.

Dacwad oogayaashu waxa ay ku eedeeyeen 24-kan shaqsi inay jebiyeen xeerka ciqaabta guud ee Itoobiya ee 2004-tii qodobkiisa 240 oo ku saabsan eedeymo ah kicinta qowmiyadaha iyo rabashado diinta ku saleysan oo la iskaga horkeenayay bulshada; iyo sidoo kale eedeymo ay ka mid yihiin jebinta xeerka baahinta la-dagaallanka Argagixisada ‘’1176/2020’’, xeerka ka hortag been abuurka 761/2012, iyo xeerka maamulka iyo xakamaynta Hubka  sharcidarrada ah‘’1177/2020’’ sida uu bayaanka ku sheegay xafiiska xeer ilaalinta federaalku.

.Eedeysanayaasha ayaa la filayaa inay ka soo muuqdaan maxkamadda Sare ee Federalka maalinta Isniinta  ee ay bishu tahay 21/9/ 2020 ,si loo horkeeno warqadda dacwad oogista, sida lagu sheegay bayaanka xafiiska xeer ilaaliyaha guud.

Comments are closed