Awbare Dhul Beereed ayax ku habsaday (Warbixin)

Awbare (Nogob News) 02/10/2020

Ayax Tiro Badan oo Ku Habsaday Dhul Beereedka Tuulooyinka Hoostaga Degmada Awbare Ayey Xukuumada DDS oo Kaashanaysa Dawlada Fadaraalka Latacaalaysaa Sidii Ay uga Hortagi Lahayd Waxyeelada Ayaxa.Ayaxa Ayaa Ku Dagay 27 Tuulo oo Kamid Ah Tuulooyinka Wax soo Saarka Beeraha Hodanka Ku ah.

Wasiirka Xafiiska Beeraha ee DDS Dr Cabdiqadir Iimaan iyo Wasiiru Dawlaha Wasaarada Beeraha ee JDFI Mudane Saani Radhi Ayaa Gaadhay Goobaha uu Ayaxani Ku Dagay oo Ay Ka socoto Buufinta Ayaxa.Dr Cabdiqaadir Iimaan Wasiirka Xafiiska Beeraha ee DDS Ayaa sheegay in Saamayn Badan oo ayaxani Keensan Lahaa Laga Hortagay

Sidoo kalena Lakeeni Doono Baabuur iyo Diyaarad Ka Awood Badan mida Hada la Adeegsanayo.Dhankakale Mudane Saani Radhi Ayaa Sheegay in Ka Fadaraal ahaan Ay Kaqayb Qaadanayaan Wax Kasta oo lagaga Gashaaman Karo Waxyeelada Ayax.

Comments are closed