Uhuru Kenyatta “Ma aqbalayo inuu Mareykanka Kenya ka fuliyo duqeymo”

Kenya (Nogob News) 02/10/2020

Madaxweynaha  dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo la hadlay warbaahinta France 24 ayaa waxa uu diiday in ciidamada militariga Mareykanka ay dalkiisa ka fuliyaan duqeymo diyaaradeed oo ka dhan ah Al-shabaab.

Mr. Kenyatta oo ka jawaabayay su’aal la waydiiyay oo aheyd in Mareykanka ay Kenya weydiisteen ogolaashiyo ah, in ciidamada Mareykanka ay duqeeyaan deegaanno ku yaalla bariga waddankaas, ayaa waxa uu ugu jawaabay inuusan marnaba aqbali doonin qorshe noocaas ah.
“Way jiraan howllo argagaxiso oo dhaca , laakiin Al-shabaab wax saldhig ah kuma laha Kenya’ ayuu Kenyatta wareysigiisa ku sheegay.
Dhinaca kale, militariga Mareykanka ayaa dhowaan sheegay in Kenya ay weydiisanayaan iney howl-gallo duqeymo ah. oo ka dhan ah Al-shabaab ay doonayaan iney ka fuliyaan bariga waddankaas.
Ciidamada Mareykanka ee saldhigga ku leh Kenya ayaa waxay horay ula kulmeen weerar lagu qaaday saldhig ay ku lahaayeen Gobolka xeebta, waxaana la sheegay inuu ka soo gaaray khasaare.
dhowaan ayeey maxkamadda militariga Soomaaliya xabsi daa’in ku ridday mid kamid ah askartii Al-shabaab ee weerarka qeybta ka ahaa.
Kenya waxaa Soomaaliya ka joogo askar badan kuwaas oo qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Comments are closed