Digniin laga bixiyay Roobab duufaano wata oo kusoo wajahan qaar kamid ah gobolada Soomaaliya

Muqdisho (Nogob News) 03/10/2020

Roobab dhexdhexaad ah iyo kuwo culus ayaa laga filayaa qaybo ka mid ah Puntland iyo gobollada dhexe in aay ka da’aan toddobaadkan bilowday gudihiisa, sida ay shaacisay hay’adda  Maareynta Macluumaadka Biyaha iyo Dhulka Soomaaliya ee SWALIM.

Gobollada Hiiraan, Bakool, Galguduud, Mudug, Nugaal iyo qeybaha koonfureed ee gobolka Sool ayaa heli doona xaddiga roobka inta lagu jiro muddada saadaasha hawada.

Duufaanno xoog leh ayaa la filayaa inta u dhexeysa 03 iyo 05 Oktoobar in ay ku dhuftaan gobolada Nugaal, Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan, waxaana cabsi laga muujinayaa inay horseedi karaan daadad xoog leh oo ka dhaca meelaha qaar.

Xilli Roobaadka Dayrta oo bilowday ayaa qaar kamid ah gobolada dalka lagasoo sheegayaa roobab xadigoodu yar yahay.

Marka la fiiriyo saadaasha roobka iyo xaaladda hadda jirta ee labada webi, Khatar Weyn oo fatahaad ayaa weli socota sida ay sheegtay hay’addu.

Comments are closed