Ilhan Omar oo weerar afka ku qaadday madaxweyne Trump oo laga helay Covid-19

Mareykanka (Nogob News) 03/10/2020

Ilhan Omar ayaa weerar afka ah ku qaaadday madaxweyne Donald Trump ka dib markii laga helay cudurka safmarka COVID-19, iyadoo sheegtay in uu si firfircoon u faafinayo fayraska islamarkaana uu halis ku yahay caafimaadka bulshada.

Ilhan Omar oo sheegtay inuu Aabaheed u geeriyooday cudurkaan ayaa ku eedeeysay maamulka madaxweyne Trump inuu masuul ka yahay geerida in ka badan 200,000 oo u dhimatay Covid19.

Waxay ku dhalleecaysay maamulka Trump inuu iska indhatirayo hagidda caafimaadka bulshada isla markaana uu cabudhinayo cilmiga lagu xakamaynayo cudurka.

Toddobaadkan, Madaxweyne Trump oo Minnesota ku qabtay isu soo bax iyo lacag ururin, ayaa ku xadgudbay tilmaamaha hagida hay’adaha caafimaadka isaga oo ku guuldaraystay inuu xirto maaskaro.

“Markii uu sidaas samaynayay, wuxuu horseeday boqolaal xaaladdood ah oo  kor u kaca kiisaska Covdi19 ah. Madaxweynaha Mareykanka iyo Jamhuuriyiinta Minnesota waxay si firfircoon u faafinayaan fayras dilaa ah. Waxay khatar ku yihiin caafimaadka bulshada isoo dooratay iyo dalkeenna. ”ayay tiri Ilhan Omar.

Madaxweyne Trump ayaa markii ay soo baxday natiijadiisa baaritaanka COVID-19 waxaa la geeyay goor dambe oo galabnimadii Jimcaha ahayd Xarunta Caafimaadka Milatariga ee Walter Reed.

Comments are closed