Jalalaqsi (Nogob News) 11/10/2020
Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay saqdii dhexe ku dhexmaray magaalada Jalalaqsi ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.
Dagaalka ayaa ka dhacay gudaha degmada Jalalaqsi gaar ahaan Saldhiga Booliiska iyo hoyga guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Cagajoof waxaana ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Weerarka oo muda kooban socday ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka nooc yadiisa kala duwan taasoo argagax badan ku beertay dadka degmada waxaana dhawaqa rasaasta laga maqlayay xaafadaha degmada ay ka kooban tahay.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la arkayay saaka iyago howlgalo balaaran oo baaritaano ah ka sameynayay xaafadaha magaalada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka degmada Jalalaqsi oo ku saabsan qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay Jalalaqsi.
Comments are closed