Faransiiska (Nogob News) 31/10/2020
Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron oo wareysi siiyay Al Jazeera ayaa sheegay in uu fahamsan yahay darreenka dadka muslimka ah iyo fal celinta ay ka bixiyeen sawir gacmeedkii lagu afgalaadeeyay Nabbi Maxamed NNKH
Wuxuu sheegay in sawirradaasi aysan aheyn kuwo ka yimid dhinaca dowladda, laakiin uu soo bandhigay Wargeys madax-bannaan isaga oo yiri” Tani ma’aheyn mashruuc Dowladdeed, laakiin waa sawirro ku soo baxay Wareys madax-bannaan oo aan dowladda wax xiriir ah la laheyn”
Laakiin waxaa uu sheegay in Xagjiriinta Diimeed ay khatar ku yihiin dadka caalamka oo idil oo ay xitaa ay ku jiraan dadka muslimiinta ah.
Macron oo u muuqday shaqsi dajinaya carrada dadka Muslimka ah ayaa yiri ” Waxaan u maleynayaa in falcelinta ay ka dhalatay been iyo doorin lagu sameeyey erayadeyda,
Dunida Muslimka ayaa siweyn uga fal celisay taageerrada Macrom uu u muujiyay sawirrada lagu dhaleeceynayay Nabbi Maxamed NNKH, hasseahaatee Macron ayaa isku dayaya in uu dajiyo darreenka dadka Muslimka ah.
Comments are closed