Itoobiya oo laga cabsi qabo in uu ka qarxo dagaal sokeeye

Addisbaba (Nogob News) 06/11/2020

Xiisada u dhaxeysa Xukuumadda Dhexe ee Itoobiya iyo ismaamulka Tigray-ga ayaa u muuqata mid cirka isku shareertay, iyadoo hadda laga cabsi qabo in ay Itoobiya gasho dagaal sokeeye.

Xiisadan ayaa ka dhalatay kaddib markii Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed uu amar ku bixiyay howlgal militari oo ka dhan ah gobolka Tigray-ga oo uu ku eedeeyay in ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah militariga iyo dhaca hantida dowladda.

Sidoo kale Xukuumadda ayaa xaalad degdeg ah ku soo rogtay gobolka si loo ballaariyo howlgalkan ka dhanka ah Jabhada  xisbiga TPLF.

Dhinaca kale Tigray laftirkooda ayaa wadda dhaqdhaqaaqyo lid ku ah go’aanka ka soo baxay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed iyagaoo doonaya in ay iska difaacaan ugu yarraan ciidamada difaaca Qaranka Ra’iisal Wasaaruhu ku amray howlgalkan.

Arrintan ayaa abuureysa cabsi soo foodsaartay waddanka oo dhan oo laga cabsi qabo in uu ka qarxo dalka dagaal sokeeyo, iyadoo markii horeba xiriirka Tigray iyo Xukuumadda Dhexe uusan wanaagsaneyn.

Sidoo kale Xiisadda taagan waxay sare u qaaddeysaa cabsida laga qabo in xisbiga Tigray-ga ee TPLF uu tallaabo u qaadi karo sameynta maamul u gaar ah oo ka madax bannaan federaalka Itoobiya

Comments are closed