Turkiga oo bixiyay qeyb ka mid ah deynta Soomaaliya ay ku leedahay IMF

Turgiga (Nogob News) 06/11/2020

Turkiga ayaa siiyay ku dhowaad 3.4 milyan oo deyn ah oo Soomaaliya ay ku leedahay Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka (IMF), iyada oo qayb ka ah dadaallada la bilaabay horaantii sanadkan si looga cafiyo deymaha culus ee dalalka dakhligoodu hooseeyo.

Sida ku xusan Heshiiska Caalamiga ah ee la soo saaray 5-tii Nofeembar, Turkiga wuxuu ugu deeqay Soomaaliya ilaa 3.4 milyan oo doollar oo loogu talagalay barnaamijka IMF ee Wadamada Saboolka ah (HIPC).

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir dhow iyo iskaashi tan iyo sanadkii 2011 markaas oo ra’iisul wasaarihii xilligaas ahna madaxweynaha haatan xilka haya, Recep Tayyip Erdoğan uu booqasho ku tagay Soomaaliya intii ay jirtay abaartii adkayd.

Tan iyo wixii markaa ka dambeeyay, Turkiga wuxuu kaabayaasha dhaqaalaha, bani’aadamnimada iyo caafimaadka ka caawinayay Soomaaliya.

Horaantii bishii Maarso, IMF iyo Bangiga Adduunka waxay ansixiyeen Soomaaliya in ay u-qalanto deyn cafinta iyada oo loo marayo hindisaha Wadamada Saboolka.

Comments are closed