Qarax khasaare sababay oo ka dhacay magaalada Jeddah ee dalka Saudi Arabia

Jeddah (Nogob News) 12/11/2020

Wararka ka imanaya magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Saudi Arabia ayaa sheegaya weerar Bambaano loo adeegsaday lagu qaaday goob ay ka socday xaflad kaa oo ay ku dhaawacmeen saddex ruux.

Goobta weerarka lagu qaaday ayaa waxaa ka socta xaflad lagu maamuusayay dagaalkii koowaad ee adduunka, iyadoo ay soo qabanqaabisay safaaradda Faransiiska ee Sucuudiga.

Qaraxan ayaa gaar ahaan lagu tuuray qabuuraha ay ku aasan yihiin dadka aan muslimka aheyn ee Jeddah halkaas oo xuska lagu qabanayay.

War ka soo baxay dowladda dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in weerarka oo ahaa mid fuleyno ah ku dhaawacmeen dad u dhashay Sacuudiga iyo Gariiga oo munaasabada ku sugnaa.

Comments are closed