Wasiir ka tirsan Jubbaland oo isku day dil ka badbaaday

Kismaayo (Nogob Nes) 12/11/2020

Wasiirka Deegaanka Dowlad gobolleedka Jubbaland Ceydiid Saleemaan Xaanshi ayaa ka badbaaday isku day dil kaddib miino loogu xiray gurigiisa oo sababtay geerida saddex ruux oo labo ka mid ah ka tirsanaayeen ilaaladiisa.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in miinada la saaray daaqada qol ay ku jireen qaar ka mid ah ilaaladiisa, waxaana goobta ku geeriyooday saddex ruux oo labo  ka mid ah walaalo ahaayeen.

‘’ Gudaha ayaan ka maqlay dhawaqa qaraxa markii aan soo baxay ayaa arkay khasaaraha goobta ka dhacay iyo meydadka saddexda ruux oo labo ka mid ah ka tirsanaayeen ilaaladeyda halka qof kalana uu la dhashay mid ka mid ah labada askari’’ ayuu yiri Wasiirka.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay u muuqanayay mid sii xumaanaya, dhawaan ayeey aheyd markii Babooyin lagu weeraray guriga uu magaalada ka deggan yahay guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Jubbaland, iyadoo bishii horena lagu dilay madaxii shirkadda Xawaallada Amal.

Comments are closed