Somaliland oo soo dhaweysay qorshaha Mareykanka uu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya

Hargeysa (Nogob News) 05/12/2020

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somalilnad ayaa lagu taageeray go’aanka dowladda Mareykanka ee ah in la baxayaan dhamaanba ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ay tahay mid wanaagsan qorshaha uu uga baxayo Soomaaliya taa badalkeeda waxa ay sheegtay in ay soo dhaweyn doonto.

Somaliland ayaa ku faantay in ay gaartay isku filnan ku saabsan dhanka doorashooyinka iyo Ammaanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa amray Pentagon ka in ciidamadiisa laga saaro Soomaaliya sidda ay lagu shaaciyay war kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalka Mareykanka oo lagu faahfaahiyay amarka Madaxweyne Trump.

Comments are closed