Wafdi ka socda Dowladda Malawi oo gaaray magaalada Hargeysa

Hargeysa (Nogob News) 19/12/2020

Wafdi uu horkacayo Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Malawi Eisenhower Mkaka ayaa gaaray magaalada Hargeysa, halkaasoo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Wasiirka waxaa Garoonka diyaaradaha Cigaal International ku soo dhaweeyay Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliland, saraakiil iyo waliba mas’uuliyiin kala duwan.

Wafdigan ayaa markiiba loo gudbiyay xarunta madaxtooyada Soomaalilland iyadoo wariyayaasha loo diiday in ay muuqaalo ka qaataan, lamana faah faahin ujeedada socdaalka wafdiga oo la filayo in ay wahadallo la qaataan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Comments are closed