Iska horimaad ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhaxmaray degmada Marka

Marka (Nogob News) 22/12/2020

Wararka naga soo gaaraya degmada Marka ee xarunta u ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaa uu iska horimaad culus xalay fiidkii ku dhaxmaray ciidamo ka wadatirsan dowladda Soomaaliya.

Dad ku sugan degmada Marka ayaa u sheegay warbaahinta in dagaalka uu dhaxxmaray ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya qeybta 14-ka October iyo kuwa NISA ee ee ka wada howlgala degmada.

Dagaalka ayaa qarxay  kadib markii uu ciidamadaasi soo kala dhex-galay muran ka dhashay lacago ay isku maan-dhaafeen labada dhinac.

Dagaalka oo baqdin ku abuuray dadka degmada ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen ugu yaraan Labo askari oo ka wada tirsan dhinacyadii uu dagaalku dhaxmaray.

Dhowr jeer oo hor sidan oo kale ciidamada dowladda ayaa ugu dagaalamay qeybo ka mid ah gobolka, iyadoo horey dowladda digniinno uga soo saartay dagaallada dhaxmara ciidamada dowladda.

Comments are closed