Kenya oo sheegtay in la helay meydka sarkaal ay afduubeen rag hubeysan

Gurmarey (Nogob News) 21/12/2020

Saraakiisha nabad-galyada dowladda Kenya ayaa sheegay in ay helleen meydka Cumar Aadan oo ahaa sarkaal ka tirsanaa saldhiga degaanka Gumarey oo hoos yimaada Khorof Xaraar.

Sarkaalkan meydkiisa la helay oo ku shaqeynayay darajada kaaliyaha saldhiga Booliiska Gumarey ayaa waxaa la afduubtay ka hor inta aan meydkiisa la helin rag hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

Warku waxaa uu intaa ku darayaan in meydka sarkaalkan laga helay meel ka baxsan halka lagu dilay oo ay soo dhiggeen shaqsiyaadkii afduubtay, waxaana soconaya baaritaan ay wadaan laamaha nabad-galyada.

Dowladda Kenya ayaa marar badan oo hore ku eedeysan Al-shabaab in ay afduub iyo dil intaba isugu darreen saraakiil ka tirsan hay’addaha nabad-galyada gaar ahaan deegaannada dhaca dhinaca xudduuda ay la wadaagaan Soomaaliya.

Comments are closed