Urur-Goboleedka IGAD Oo Soo Gebagebeeyay Shir-Madaxeedkoodii Jabuuti

Jabuuti (Nogob News) 22/12/2020

Waxa lasoo gebagebeeyay shirkii 38aad ee degdega ahaa ee urur goboleedka Afrikada Bari ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan IGAD.

Shirkaasi degdega ahaa oo ay kasoo qayb galeen hoggaamiyayaasha madaxda urur goboleedka IGAD ayaa waxa uu ka qabsoomay dalka jabuuti oo ah xaruntii lagu aasaasay urur goboleedka IGAD.

Waxaana hoggaamiyayaasha kasoo qayb galay ay isla gorfeeyeen arrimo ay ka mid yihiin dhinacyada siyaasadda ,dhaqaalaha,nabbada iyo arrimaha bulshada ee gobolka.

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed waxa uu bartiisa facebook-ga ku baahiyay in tallaabooyinkii laga qaaday deegaanka Tigray ay ahaayeen kuwo lagu sugayay u hoggaansanaanta sarraynta sharciga iyo midnimada dalka waxaana ra’iisal wasaruhu uu bogaadiyay sida madaxda urur-goboleedka IGAD fahamka buuxa uga qaateen tallaabooyinkii sarraynta sharciga ee laga fuliyay deegaankaasi.

Comments are closed