Kheyre iyo Mahdi Guulleed oo isku arkay magaalada Garoowe

Garoowe (Nogob News) 02/02/2021

Magaalada Garoowe waxaa ka soconaya kulamo gooni gooni ah oo ay leeyihiin madaxdii ka qeybgasha madashii Aragti -Wadaag oo uu soo qaban-qaabiyay Machadka cilmi baarista Heritage.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Xassan Cali Kheyre oo ka mid ahaa madaxdii ka qeyb-gashay madasha ayaa xalay kulan la qaatay ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulleed Khadar oo ay soo wadashaqeeyeen.

Labada mas’uul oo waayadii ugu danbeeyay ku kala maqnaa siyaasaddeed oo midba uu daraf ka istaaggay, ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah gaar ahaan marxalada doorasho ee uu dalku galay.

Mahdi Guulleed oo hadda ah Ra’iisal Wasaare ku–xigeenka dalka ayaa sidoo kale Ra’iisal Wasaare ku-xigeen  u soo ahaa Xassan Cali Kheyre ka hor inta uusan Baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida kala noqon Xukuumaddii uu hoggaaminayay.

Comments are closed