Dalkan Itoobiya Oo Soo Iibsanaya Shan Diyaaradood Oo Lagula Dagaalamayo Ayaxa

Addisababa (Nogob News) 03/01/2021

Wasaaradda Beeraha dalkan Itoobiya ayaa sheegtay in dalka ay ka socdaan qorshe lagu doonayo in lagu soo iibiyo shan diyaaradood oo si weyn wax uga tari doona howlaha ka hortagga ayaxa faraha baas ku haya wax soo saarka beeraha.

Wasiiru dowlaha beeraha Mandefro Nigussie ayaa u sheegay wargayska The Ethiopian Herald in ay muhiim tahay in la kordhiyo tirada diyaarada buufiyayaaasha  si looga hortago  ayaxa raxan-raxanta ah  ee hadda ku habsaday qaybo kamid ah gobollada dowlad deegaanka Soomaalida.

Wuxuu sheegay in dalka uu wado qorshe uu kusoo iibsanayo shan diyaaradood oo labo ka mid ahi yihiin sahamiyayaal halka saddexda soo hadhayna ay yihiin kuwa buufiayaal ah.

Wadarta qarashka ku baxaya diyaaraddiiba ayaa ah 10 milyan oo doolar, ayuu raaciyay.

Faransiiska iyo Israel ayaa ka mid ah toddobada dal ee ka qeyb qaadanaya howsha tartanka, ayuu yidhi.

Sida uu sheegay  Mandefro, iibsiga diyaaradaha ayaa la dhammaystiri doonaa inta gudajiro sannad-maaliyadeedka dalkan Itoobiya.

xigasho fana

Comments are closed