Golaha midowga murrashixiinta Soomaaliya oo wax lala yaabo ku tilmaamay hadalkii raysal wasaaraha

Muqdisho (Nogob News) 09/01/2021

Golaha midowga murrashixiinta Soomaaliya ayaa wax lala yaabo ku tilmaaamay go’aankii maanta kasoo baxay raysal wasaaaraha Soomaaliya oo sheegay in dowladdu bilaaabayso hirgalinta doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo weli uu jiro khilaaf siyaasadeed.

Afhayeenka murashixiinta, Ridwaan Xirsi Cabdi oo Garowe shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay go’aanka raysal wasaaraha inuu ka turjumayo in madaxweyne Farmaajo uusan doonayn inuu Soomaaliya uu ka qabto doorasho la isla oggol yahay.

Afhayeenka murashixiinta ayaa sidoo kale beeniyay war uu sheegay madaxweynaha Galmudug oo ahaa inuu Puntland, Jubbaland iyo dhinacyada kale tabashada qabay uu gaarsiiyay jawaabtii ay madaxda kasoo bixiyeen dalabkooda.

Wuxuu sheegay afhayeenku in qorshuhu ahaa in madaxweynaha Galmduug uu Garowe kusoo laabto, kadibna ay ka dhegaystaan jawaabta madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu ka yiraahdeen dalabkii loo gudbiyay ee ka koobnaa saddexda qodob.

Wuxuu sheegay madaxweynaha inuu doonayo inuu doorashada ku galo guddiyada doorashada ee uu muranku ka taagan yahay islamarkaana ay muuqato in la iska indho tirayo baaqyada kasoo yeeraya daneeyayaasha doorashada

Comments are closed