Saraakiil Sare Oo Ka Tirsanaa Kooxda Budhcada TPLF Oo Qaarna La Sifeeyay ,Kuwo Kalena Nolosha Lagu Qabtay

Addisababa (Nogob News) 15/01/2021

Xubno katirsanaa hoggaankii sare ee kooxda TPLF  oo ay ka mid yihiin Siyuum Mesfin, Asmalaash Woldheselaas iyo Abay Sahay ayaa shalay la laayay sida uu sheegay Madaxa Waaxda hawlgalka sarraynta sharciga ee ciidammada difaaca qaranka Jenraal Tesfaye Ayalew.

Jeneraal Tesfaye ayaa hoosta xariiqay in lasii wadayo tallaabo kaqaadista xubnaha kooxda budhcada ah ee TPLF.

Sida uu sheegay jeneraalku waxa la sifeeyay(la laayay) xubno ka mid ah hoggaankii sare kooxda ee TPLF oo ay wehelinayeen ilaaladoodii ,waxaana ay kala yihiin sida tan:

1.Siyuum Mesfin-wasiirkii hore arrimaha dibada ahaana madaxa abaabulka TPLF.

2.Asmalaash Waldhe Selaase-Xubin sare oo ka tirsanaa kooxda TPLF ahaana siyaasi sare.

3.Abay Sahay-xubin sare oo ka tirsanaa kooxda TPLF.

4.Korneel Kiroos Hogoos-Sarkaal ka goostay ciidamada difaaca qaranka.

Dhinaca kale, ciidamada isku dhafka ah ee Milatariga iyo Booliiska federalku waxa ay nolosha ku qabteen xubnihihii hogaaminayay dhanka ciidanka iyo siyaasada ee kooxda TPLF, waxaana ka mid ah xubnahani:

1.Korneel Gebre Meskel Kidhaan – ka goostay ciidammada difaaca qaranka.

2.Korneel Fisaha Birhanu –ka goostay ciidammada difaaca qaranka.

3.Korneel sara Abruuk –ka goostay ciidammada difaaca qaranka.

4.Taliye Gebrekidhaan Asgedom- hoggaankii ciidamada gaarka ah ee TPLF

5 Mebrahitom Kindhe Haylu-madaxii maaliyadda ee shirkada biyaha deegaanka Tigray.

Comments are closed