Maamulka gobolka Hiiraan oo digniin adag u diray ciidamada Liyuu Booliska dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

Hiiraan (Nogob News) 16/01/2021

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya aay dhibaatooyin kala duwan ka geystaan deegaano ka tirsan gudaha gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in ciidamada Liyuu Boolis ay maalin walba dad shacab ah oo ku nool deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan aay iska xirtaan iyagoo aanan waxba galabsan taasina waa afduub afduubna kama yeeli doono ciidaamada Liyuu Boolis ayuu yiri guddoomiye Jeyte.

“Indhaha kama qabsan doono dhibaatoyinka iyo tacadiga ciidanka Liyuu Boolis ee maalin walba dadka ka xir xiraayo gudaha Soomaaliya gar ahaan xududka Hiiraan, dad isugu jiro shacab iyo ciidan ayay si afduub ah uga qabsadeen inta u dhaxeeyso deegaanada Xudayweglle iyo Dareerta sifo sharci darro ah ayayna ku heestan mana jirto cid nagala hadashay arintaas oo nagala xajootay waxana ay arintaas dhalineeysa cawaqiib xumo daran oo dhalan karta” ayuu yiri Cali Jeyte.

Sidoo kale guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in maamulka Hiiraan uu ka jawaab celin doono dhibaatada ciidamada Liyuu Booliis aay ka wadaan xaduud beenaadka ay wadaagaan gobolka Hiiraan iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Comments are closed