Museveni oo ku guuleystay doorashadii Uganda

Uganda (Nogob News) 16/01/2021

Yoweri Museveni  ayaa ugu danbeyntii ku guuleystay doorashadii dalka Uganda isaga oo codadkii la dhiibtay helay 59 %, waxaana natiijada doorashadan dood ka keenay siyaasiga da’da yar ee lagu magacaabo Bobi Wine.

Bobi Wine oo ah nin dhalinyaro ah ayaa sheegay in uu hayo cadeymo dhab ah oo muujinaya in lagu shubtay doorashada, isaga oo xitaa loo diiday sida uu hadalka u dhigay in uu gurigiisa ka baxo.

Robert Kyagulanyi, oo caan ku ah magaca Bobi Wine ayaa ah shaqsi siweyn looga jecel yahay dalka Uganda oo ah fannaan iyo jilaa laakiin markii danbe isku badalay siyaasi siweyn uga soo horjeeda siyaasada madaxweynaha hadda tallada haya.

Waxaa jira shaki weyn oo la xiriira habka tirinta codadka oo saameyn weyn ku yeeshay khadka Internetka oo gabi ahaanba hawada laga saaray.

Comments are closed