Jigjiga : Xaflad loo qabtay ardaydii dhibcaha sare keentay ee Mac’hadka Darul xikma oo Jigjiga lagu qabtay

Jigjiga (Nogob News) 17/01/2021

Waxaa maanta hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Jigjiga lagu qabtay xaflad loo qabtay ardayda dhammaysatay heerka koowaad ee Mac’hadka Daarul xikma.

Xafladdan ayaa waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin kasocotay dhanka dawladda sida Wasiirka Madaxtooysda Xasan daadhi, Wasiirka Waxbarashada ee DDS Faatax Maxamed iyo sidoo kale Mas’uuliyiinta Xafiiska Golaha sare ee Islaamka ee DDS oo uu kamid yahay Guddoomiyaha Golaha sare ee Islaamka ee DDS Sheekh Axmed Aabi iyo madax kale, Culimada Degaanka iyo  marti sharaf kale.

Ardaydan oo tiradoodu dhamayd 33 arday ayaa waxay dhammaysteen qaybaha ay u kala baxdo luuqadda carabigu oo ay dhiganayeen muddo hal sano ah.

Mac’hadkan Darul xikma oo ah mac’hadkii u horeeyay ee noociisa ah ee degaanka laga hirgaliyo ayaa waxaa hadda ku xaraysan arday gaaraysa 33 arday oo laga soo kala qaaday 11ka Gobol ee degaanku ka kooban yahay, iyadoo gobolkiiba laga soo qaaday 3 arday.

Mac’hadkan Darul xikma oo jira muddo hal sano ah ayaa ah Mac’had lagu hoydo oo jiifkii iyo cuntadii ardayda diyaar ugu yihiin, wuxuuna ardaygu ku qalin jabinayaa muddo 5 sano ah.

Ardayda maanta dhibcaha sare keenay ee abaalmarinta lasiinayay ayaa waxaa kamid ahaa 6 arday oo agoon ah.

Tan iyo intii isbaddalku degaanka ka hirgalay ayaa waxaa dib usoo noolaatay raadkii ay diintu ku lahayd degaanka, waxaa dib loo sameeyay goobo lagu barto diinta Islaamka, waxaa dib u howlgalay madaaris xilliyadii hore albaabada la isugu dhuftay. Waxaana si guud degaanka looga dareemay dhaqdhaqaaqa iyo dadaalada dhanka diinta oo markii hore iyo wakhti xaadirkan uu farqi wayn u dhaxeeyo.

Comments are closed