Afhayeenka ONLF “Toddoba qof hadday waxbadalayso ONLF heerkaa masoo gaarteen”

Afhayeenka ONLF “Toddoba qof hadday waxbadalayso ONLF heerkaa masoo gaarteen”

Jigjiga (Nogob News) 24/01/2021

Afhayeenka Ururka ONLF Cadaani Hirmooge oo saxaafada la hadlay ayaa beeniyay wararka sheegayay in la badalay guddoomiyaha ONLF Cabdiraxmaan Maadey.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in xubno kooban oo qayb kamid ah dacwad kusocoto waa siduu hadalka u dhigayee aysan waxba ka badali karin ONLF.

Dhinaca kale Afhayeenka ayaa sheegay in shir loodhan yahay  kaliya wax lagaga badali karo Ururka, balse dhawr xubnood oo qayb kamid ah maxkamadi ku socoto aysan waxba ka badali karin Ururka.

Galinkii dambe ee maalinimadii shalay ayay ahayd markii ay shir isugu yimaadeen xubno sheegay inay yihiin garab lamagac baxay Garabka sixitaanka ONLF, waxayna iclaamiyeen inay badaleen guddoomiyihii ONLF Cabdiraxmaan Maadey oo ay ku eedeeyeen inuu ku guul daraystay xalinta khilaafka iyo dhibaatada dhextaalay ONLF.

Waxaa xusid mudan in shirkan muranka dhaliyay ee ay xubno kamid ah ONLF yeesheen uu ka qaybgalay Guddoomiye ku xigeenka ONLF Riyaale Xaamud, iyadoo uu Afhayeenka Ururkuna uu sheegay inay hubinayaan sida uu uga qaybgalay guddoomiye ku xigeenku shirkan.

Kala qaybsanaanta Ururka ONLF ayaa u muuqda mid aan wali wax xal ah laga gaarin, arrimahana waxay kusoo hagaagayaan xilli xisbiyadu ay isu diyaarinayaan ka qaybgalka doorashooyinka lafilayo inay dhawaan dalka ka dhacaan.

Comments are closed