Itoobiya oo qunsul cusub usoo magacaabatay Puntland

Garoowe (Nogob News) 24/01/2021

Dowladda Itoobiya ayaa qunsul cusub u soo magacaabatay qunsuliyada ay ku leedahay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, waxaana uu maanta qunsulka cusub la kulmay madaxweyne Deni.

Qunsulka oo lagu magacaabo Degnachew Yitbarek. ayaa lagu bedelay qunsulkii hore ee Itoobiya u fadhiyay Puntand, Mabratu Waldo Aragay, kaasoo dalkiisa looga yeeray markii uu bilowday dagaalka Itoobiya ku qaaday jabhadda TPLF ee Tigreega.

Warar ayaa sheegaya in qunsulkaas uu ku geeriyooday dagaaladii ka dhacay waqooyiga Itoobiya, uuna kamid ahaa saraakishii TPLF, balse jiritaanka warkaas looma hayo caddayn buuxda.

Mabratu Waldo Aragay, ayaa xilka loo dhiibay bishii January ee sanadkii 2019, isagoo maamulayay qunsuuliyada Itoobiya ku leedahay magaalada Garowe, taasoo ka shaqeysa fududaynta safarada Itoobiya.

Dhinaca kale, dhawaan waxaa Garowe ka dhacay kulan dhexmaray saraakiil Itoobiya iyo saraakiil Puntland ah, waxaana laga wada hadlay sidii looga wada shaqayn lahaa amniga xuduudaha.

Comments are closed