Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Dhuusomareeb

Dhuusomareeb (Nogob News) 24/01/2021

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Ali Dahir Ciid ayaa maanta Magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Galmudug kusoo dhaweyay wafdi u hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan.

Soo dhaweynta waxaa ku wehliyay Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka Galmudug iyo Wasiir Dowlaha madaxtooyada madaxtooyada Galmudug.

Wafdigaan oo kulamo kala duwan la yeelan doona Madaxda Galmudug ayaa waxa safarkoodu u daran yahay Arimaha Doorashoyinka, Amaanka iyo Siyaasada.

James swan iyo wakiilada beesha caalamka ayaa maalmahaan kulamo la qaadanayay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo midowga murrashixiinta madaxwyenaha, kulamadaas oo xal loogu raadinayo khilaafka doorashada.

Doorashada ayaa waxaa ku yimid dib u dhac weyn, waxaana beesha caalamka u gogol xaaraysaa in hoggaamiyayaasha Soomaalida isugu yimaadaan kulan degdeg ah oo xal looga gaarayo arrimaha doorashada.

Comments are closed