Jaamacadda Jigjiga oo ay maanta ka qalinjabiyeen 2,127 arday

Jigjiga (Nogob News) 30/01/2021

Waxaa maanta ka qalin jabisay Jaamacadda Jigjiga dufcaddii 12aad oo gaaraysa 2,127 arday, kuwaas oo ka qalin jabiyay heerarka kala duwan ee jaamacadda.

Xafladdan qalinjabinta ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin uu ku jiro Madaxwayne ku xigeenka degaanka Soomaalida Ibraahim Cismaan iyo madax kale oo kamid ah maamulka sare ee Jaamacadda Jigjiga.  

Ardayda qalinjabinaysay oo wajiyadoodu ay ka muuqatay farxad ayaa ballan qaaday in waxay barteen ay bulshadooda miyi iyo magaalo uga faa’iidayn doonaan.

Jaamacadda Jigjiga ayaa ah Jaamacaddii u horeysay ee degaanka laga dhiso, iyadoo jaamacaddu ay bixiso dhammaan adeeggii loogu talagalay jaamacadaha dalka, waxaana ilaa iyo hadda ka baxday jaamacaddan arday aad u tiro badan, oo maanta hormuud u ah degaanka.

Comments are closed