Wasiir Ahna Xildhibaan Talo Kabixin Qora Abdifatax Sh Abdullaahi

Jigjiga (Nogob News) 19/02/2021

Xildhibaanimo iyo wasiirnimo la iskuma Darsankaro Ayaan Aaminsanahay Fikirkayga. Madaxweyneha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar, mar uu warbaahinta la hadlayay, ayaa wuxuu inawaydiiyay suaal, sidan u dhignayd, “Haddii aan xildhibaanada wasiiro u magacaabo, markaa yaa la xisaabtamaya wasiiradii???

Isla Aragtidaa Madaxweyne Mustafe ayaan Qabaa in aan Masuul Xildhibaan ah wasiir loo Magacaabin, Masuul wasiir ahna aan xildhibaan laga dhigin.Anigu ma sharaxni, xilna ma rabo lkn Dood-daydu Qodobadan hoose ayay ku qotontaa,

1. Si loo helo, Xildhibaano iyo Wasiiro isla Xisaabtama waa in ay kala madaxbanaanaadaan.

2. In Lawadaago Fursadaha Shaqo, islamarkaana shaqo loogu sameeyo, dad kala duwan. (Let us share our small resources, because our greatest income resources is government)

3. Haddii Masuul ka Laba xil oo kala duwan, ama kala shaqo ah, loo dhiibo (tusaale xildhibaanimo iyo wasiirnimo) waxaan aaminsanahay inuu mid ka mashquuli doono, ama mid kadayacmi doonto, markaa haddii lahelayo dadkaloo qabta hawshaas maxaa masuulka loo mashquulin, oo ahna ahna looga dhiba?

4. Tusaale ahaan kasoo qaad in degaankaagu uu leeyahay, 3 wasiir, oo matala, haddii 3 qof oo kalena xildhibaano noqdaan, ogow bulshadaasi waxay leedahay, 6 ruux oo metelaya, oo danihii ummadda ka shaqaynaya, oo haddii midi xumaado, ama labo xumadaan, 3da kalaa fiicnaan doona, lkn kawaran hadaad, isla 3dii wasiir uun xildhibaano ka dhigto?

Waxaan madaxweyneha iyo madaxa xisbiga usoo jeedinayaa, in talo bixintaas la ila eego, oo laqaato haday macquul ay noqoto, insha allah,dhinaca kale ciddii aragtidayda kasoo horjeedaa, bal doodeeda, miiska ha keento? Insha allah. Kumahadsanid akhrinta maqaalkan.

Qoraa Abdifatax Sh Abdullaahi

Comments are closed