Jubbaland oo sharuudo ku xirtay ka qeyb galka shirka wadatashiga arrimaha doorashada

Kismaayo (Nogob News) 21/02/2021

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sharuud ku xirtay ka qeybgalka shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka oo lagu wado inuu magaalada Muqdisho ku dhex maro dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay, in Jubbaland dalbanayso in dowladdu marka hore garowshiyo iyo raalli-galin ka bixiso, waxay ugu yeereen tallaabooyin guracan oo dowladdu u geysatay saamileyda siyaasada iyo muwaadiniinta.

Sidoo kale, in shirka ay kasoo qeyb galaan saamileyda siyaasada, in goobta lagu qabanayo shirka ammaankiisa la isku halayn karo islamarkaana ay beesha caalamka ay damaanad qaado.

Jubbaland waxay kaloo dalbatay in la damanaad qaado in wiixii shirkaas kasoo baxa la fulindoono iyo in madaxweynuhu faraha kala baxo doorashada.


Halkaan hoose ka eeg warka Jubbaland.

Comments are closed