Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ka maqan kulamada wadatashiga ee doorashada dalka

Muqdisho (Nogob News) 21/02/2021

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa  ka bilaawday kulamo  looga hadlayo khilaafka doorashada oo ay ka qeybgalayaan madaxda heer federaal, qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan sidoo kale waxaa ka qeybgalay oo goob ka ah wakiilada beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho kuwaa oo kala hadlaya madaxda Soomaalida xaalada cakiran ee dalka iyo in si deg deg ah looga gudbo khilaafka soo jiitamay ee wali ka taaggan arrimaha doorashada.

Waxaa ka maqan oo aan joogin shirka madaxweynayaasha dowlad gobolleedka Puntland iyo Jubaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo labaduba muhiim u ah kulanka si loo soo afjaro qoddobada leysku hayo ee wali doorashadu ka dhaqaaqi la’dahay.

Lama oga in ay ku soo biiri doonaan kulamada wadatashiga ah ee socda iyo in kale hasse ahaatee dhawaan madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in ka maamul ahaan ka fiirsan doonaan ka qeybgalka shirka Muqdisho.

Sidoo kale labada dowlad gobolleed ayaa dib ugu yeeray xubnihii gudiyada ahaa ka joogay magaalada Muqdisho oo ay ka mid ahaayeen Wasiirro ku matalayay dhawaan shirkii ku soo dhamaaday magaalada Baydbabo ee xarunta gobolka Baay.

Qoddobada ugu waaweyn ee leysku hayo si dalku u aado doorasho wadar ogol ah ayaa ka mid ah arinta gobolka Geido Dowladda federaalka iyo Jubbaland wali isku mari la’yihiin

Comments are closed