Fiiq 118 Ardey ka Qalinjabisay Kuliyada Tacliinta Farsamada & Sayninka

Fiiq (Nogob News) 12/03/2021

118 Arday Oo Ka Qalin Jabiyey Kuliyada Tacliinta Xirfadaha, Farsamada iyo Sayniska Ee Magaalada Fiiq.

Ardaydan oo Ah Dufcadii 1aad Ee kaqalinjabisa Kuliyadan mudadii Ay jirtay Ayaa Waxay Tiradoodu dhanayd 118 Waxayna ka Qalinjabiyeen Ardaydani waxbarashada waaxaha Biyaha Caafimaadka Xoolaha, maaraynta khayraadka dabiiciga ah iyo Laydhka Heerka waxbarashada Darajada 3aad( level lll).

Munaasibadii Qalinjabinta Ardaydan oo Ay ka soo Qayb galeen Waalidiinta Ardayda, Maamulka Gobolka Erar, Maamulka Degmada Fiiq, Maamulka Kuliyada Iyo odayaasha Dhaqanka Ayay ka muuqatay dareen farxadeed.

Maareeyaha Kuliyada Tacliinta Xirfadaha Farsamada & sayniska Fiiq Mudane Maxamed Ugaas C/casis Ayaa ka soo qaybgalayasha usooban dhigay waxqabadka kuliyada Shacabkana kubooriyey inay ka faa’ iidaystaan .

Kuliyadan oo La Daah furay Sanadkii 2010 E.c Ayaa Waxay Adeeg siisaa Bulshada Degmooyinka Gobolada Erar iyo Nogob Waxayna kuliyadani Bixisaa waxbarashada Heerarkeeda kaladuwan.

Comments are closed