Guddoomiyaha guddiga doorashada dadban iyo ku xigeenkiisa oo la doortay

Muqdisho (Nogob News) 04/07/2021

Waxaa goordhaw si rasmi ah usoo gabagaboowday doorashada guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashooyinka dadban ee dalka Soomaaliya oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Maxamed Xasan Cirro ayaa noqday guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashooyinka dadban ee dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha la doortay ayaa ku guuleystay wareegii labaad isagoona helay codad gaaraya 14 cod, iyadoo Liibaan Maxamed Xasan oo la tartamayayna uu helay ilaa 10 cod.

Waxaa sidoo kale Doorashadii gudoomiye ku xigeenka Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal ku guulaystay Qareen Mawliid Mataan Salaad oo isna horay u ahaa guddoomiye ku xigeenkii guddiga doorashada ee lagu murunsanaa.

Guddoomiyaha doorashada ku guuleystay Maxamed Xasan cirro iyo gudoomiye ku xigeenkiisa Mawliid Mataan Salaad ayaa horay labdooduba u ahaa guddoomiyahii iyo ku xigeenkiisii guddigii lagu murunsanaa ee doorashoyinka dalka, waxayna markale dib u noqdeen gudoomiye iyo ku xigeenkiisa kadib tartan doorasho oo aay ku guuleysteen, waxaana lagu wadaa in si toos ah maalmaha soo socdo loo guda galo arrimaha doorashoyinka dalka.

Comments are closed