Dowladda Soomaaliya oo go’aano cusub u gudbisay Shirkadaha Isgaarsiinta dalka

MUQDISHO (NOGOBNEWS) 10/03/2023

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta u gudbisay liiska go’aanada guddiga qaran ee ka hortagga Lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maalgelinta Argagixisada (NAMLC) kaas oo soo baxay 14-kii Febraayo 2023, islamarkaana khuseeyay Shirkadaha Isgaarsiina dalka, lagana doonayo iney si degdeg ah u fuliyaan

Hay’adda ayaa Shirkadaha Isgaarsiinta ku wargelisay iney waajib tahay in adeegooda Lacagaha Mobile-ka la iskugu diro (Mobile Money) ay rukhsad ka haystaan Bangiga dhexe ee dowladda oo ay hubiyaan in adeegyada lacagaha mobeeleda la iskugu diro ee saaran shabakadahooda iyo kuwa MVNO-ga ah ay u hoggaansamaan tilmaamaha farsamo iyo xadidaadda dhaqdhaqaaqa Bangiga Dhexe iyo go’aanada Guddiga Sare ee NAMLC.”Shirkadaha Isgaarsiinta waxaa la farayaa inay diiwaangeliyaan Lafaha (SIMCARDs)-ka macamiisha, iyada oo macaamiisha cusub laga qaadayo ugu yaraan sawir iyo faraha, halka kuwii horay u qaatay na Sim-kaarada dib loogu diiwaangaliyo muddo aan ka badnayn 90 maalmood, Si waafaqsan Qod. 5-aad ee Sharciga Ka-hortaga Lacag- dhaqidda iyo Maalgalinta Argagixisada iyo Qod. 66 ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay’adda Isgaarsiinta SoomaaliyaGabagabadii Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ugu baaqday waxay Shirkadaha Isgaarsiinta dalka iney u hoggaansamaan dhammaan go’aanada Guddiga Qaran ee ka hortagga Lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maalgelinta Argagixisada iyo la shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

NOGOBNEWS

Comments are closed