Puntland oo ku eedeeysay madaxweyne Xasan Sheikh inuu abaabulay weerar xalay ka dhacay Garowe

Garoowe (NN) 16/05/2023

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud inuu abaabulay weerar xalay ka dhacay Garowe oo lagu qaaday ciidamo galbinayay sanaadiiqda doorashada.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan uu Xasan Sheikh Maxamuud uga wakiil ahaa, Khadar Cabdiraxmaan Faroole oo ergaygiisa ah.

“Ergeyga Xasan Sh. Maxamuud ee Arimaha Dhaqaalaha Khadar Cabdiraxmaan Faroole ayaa abaabuley weerarkii xalay lagu qaaday sanaaduuqda doorashada, qiyaamihii Xasan Sh. Maxamuud sheegayey wuxuu ahaa mid isagu uu abaabulayo.”ayuu yiri wasiir Juxa.

Wasiir Juxa wuxuu sheegay in labo askari oo ciidanka katirsan lagu dilay weerarkaas. Wuxuu sidoo kale sheegay in weerarka lagasoo abaabulay guriga Khadar Faroole.

Juxa wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in garoonka diyaaradaha Garowe uu maanta xiran yahay, islamarkaana maleyshiyaadkii soo weeraray ciidamada ay qoryo waawayn dul keeneen garoonka Garowe.

“Doorashada Puntland way dhacaysaa. Waa doorasho degaan. Afar boqol oo kun in ka badan ayaa isu diiwaan galisay. Afar qof oo isku jifi ah oo magaalada Garowe joogta go’aankeeda ma gaari karto.” ayuu yiri Juxa.

Ugu dambayn, wasiirka arrimaha gudaha wuxuu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay la hadasho cid kaste oo tabasho ka qabto. Laakiin wuxuu caddeeyay in lala xisaabtami doono kuwa ka dambeeyay qalalaasaha ka dhacay Garowe.

Comments are closed