Guddoomiye ku xigeenkii ONLF oo is casilay

Jigjiga 21/05/2023 Daahir Maxamed Cali ( Daahir Baasto ) oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka Ururka ONLF ayaa is casilay, kaddib markii uu Daahir baasto ku eedeeyay hoggaanka ONLF inuu ururka ka leexiyay wadadii loo aasaasay oo ahayd inay ka tarjumaan baahiyaha Shacabka dowlad degaanka Soomaalida.

Daahir baasto ayaa Guddoomiyaha ONLF Abdirahman Maadey ku eedeeyay inuu ururku kala qaybsamay intuu xilka qabtay, isla markaana uu ku guul darreystay inuu dib u mideeyo ururka ONLF, sidoo kale waxa uu Daahir baasto ku eedeeyay Maadey inuu ururka dhexdiisa ka dhex wado qabyaalad, iyo kala gayn xubnaha ururka dhexdiisa waa siduu hadalka u dhigay Guddoomiye ku xigeenka is casilay Daahir Baasto.

Qaar kamid ah dadka ka agdhow ONLF oo Warbaahinta lasoo xiriiray isla markaana codsaday inaan magacdooda la xusin ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeyay Daahir Baasto iyo Guddoomiye Maadey uu muddo soo jiitamayay, isla markaana uu salka ku hayay khilaaf guud oo ka dhex jiray gudaha Ururka ONLF, taas oo markii dambe keentay inuu Daahir Baasto oo ahaa ku xigeenka Guddoomiyaha ONLF inuu isaga baxo ururkii.

ONLF wali kamaysan hadlin is casilaadda Guddoomiye ku xigeenkii ururka Daahir Baasto, balse marar kala duwan oo sidan oo kale xubno uga baxeen ONLF, waxa uu Guddoomiye Maadey sheegay in aan loo joojinayn halganka ONLF cid kasta oo ka baxda Ururka ONLF, isla markaana aysan saameyn ku yeelanayn gudaha ONLF.

Balse dadka falanqeeya siyaasadda ururka ONLF ayaa qaba in khilaafka ka dhex jira gudaha ONLF uu saameyn karo sii jiritaanka ururka ONLF, iyadoo haatan uu ururku u kala qaybsan yahay labo garab oo ay kala hoggaamiyaan labo Guddoomiye, xafiisyo kala duwana ku kala leh dhammaan dowlad degaanka Soomaalida.

Khilaafka ka dhex jira gudaha ONLF ayaa noqday mid muddooyin badan soo socday, iyadoo Guddoomiyaha ONLF Abdirahman Maadey oo qaar ka mid ah xubnaha ururkiisa ay ku eedaynayaan inuu qayb ka yahay kala qaybsanaanta ka dhex jirta ONLF, walina uusan u dhaqaaqin siduu u xallin lahaa khilaafka ka dhex jirta gudaha ONLF.

Comments are closed