Booqashada Axmed Madoobe uu maanta ku tagay Jigjiga ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii uu kulammo ula yeelan lahaa mas’uuliyiinta maamulka DDSI; iyadoo markii uu tagay Magaalada Jigjiga isla markiiba kulan irduhu u xiran yihiin la galay madaxewynaha DDSI.
Wararka laga helayo magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Axmed Madoobe iyo Cabdi maxamuud ay kulankooda kaga hadlayaan arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin; ammaanka, xiriirka labada maamul u dhexeey iyo Ganacsiga isku Xidhka Socdaalka Hawada iyo la Dagaalanka Argagixisada iskaashiga dhanka Waxbarashada. Inkatsoo aan la ogeyn inta maalmood ee uu Axmed Madoobe joogayo Jigjiga, iyadoo ay tani noqonaysaa booqashadii ugu horreeyay oo uu ku tago Jigjiga tan & markii la dhisay maamulka Jubbaland.
Wixii Warar ah ee kasoo kordha booqashada Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ay maanta ku tageen magaalada Jigjiga waxaad kula socon kartaan wararka soo so socda ee NogobNews haddii ALLE ogolaado.
Comments are closed