“Waxaan magaca ILAAHAY ugu dhaarayaa inaan cuskan doono kitaabka Alle iyo weliba sunnadii Rasuulkeenna SCW, kana shaqeyn doono Horumarka iyo Midnimada dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee markii 4-aad ii doortay xilka madaxweynaha ina siiyay kalsoonidooda. Waxaanan ku dhaqmi doonaa dastuurka & shuruucda kale dalka, ilaaliyana xorriyadda shacabka iyo tan waddan Jabuuti,” ayuu Geelle yiri markii uu dhaaranayay.
Intaas kaddib, Geelle oo khudbad ka jeediyay xafladii dhaarintiisa ayaa si guud uga hadlay waajibaadka saaran iyo qorshihiisa hoggaamineed, wuxuuna yiri, “Sida markhaati ka tihiin aad arkaysaan ALLE hortiisa iyo hortiinna ayaan ku dhaartay… waxaana dhabarka saartay inaan waddankan horumar gaarsiiyo. Hawsha la ii ig-maday waxaan ku gudan doonaa si ay ku jirto waayo-aragnimo iyo daacad, anigoo ogsoon xilkan culus ee ay i saareen Shacabka reer Jabuuti oo ah shacabkeyga, Waxaanan Shanta sano ee soo socota ku hoggaamin doona waddada horumarka mustaqbalka.”
Ugu dambeyn, Hoggaamiyeyaashii kale ee ka hadlay xaflada ayaa iyaguna sheegay inay la shaqeyn doonaan madaxweynaha dalka Jabuuti, ayna gacan ku siin doonaan sidii xilka loo doortay markii afaraad uu u gudan lahaa.
Comments are closed