Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdullaahi ayaa sheegay in dhalinyaradu sanadihii dambe la kulmayeen dhibaatooyin ay ugu horayso Tahriibka iyo shaqo la’aan soo wajahda, wuxuuse tilmaamay in wasaaraddu da daal ugali doonto sidii looga hortagi lahaa arimahaas.
Dhalinyarada ayuu ugu baaqay inay ka waan toobaan Tahriibta oo wasaaradda kala shaqeeyaan barnaamijyada looga hortagayo.
Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa uhambalyeeyey dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaa uuna sheegay in 15ka May ay tahay maalin ku weyn umadda Soomaaliyeed, islamarkaana ay tahay markii la asaasay ururkii Dhalinyarada ee gobonimo doonka SYL.
Wuxuu tilmaamay in baarlamaanka Puntland uu dhawaan meel marin doono Siyaasada dhalinyarada, isagoo ugu baaqay inay ka joogsadaan Tahriibka.
Sanad kasta maanta oo kale waxaa meelo kamid ah dalka laga xusa 15ka MAY oo ah markii la asaasay ururkii SYL, waxaana sanadihii dambe xusku kusoo aadayey xili ay dhalinyarada Soomaaliyeed wajahaan xaalado adag oo ay qayb ka yihiin Tahriibka iyo Shaqo la’aanta.
Sawirro.
Comments are closed