Guusha 20ka Ginbood.
Xusitaanka iyo dabaaldaga xuska munaasabada 20ka ginbood waa maalin ku wayn quluubta iyo qalbiyada qoomiyadaha, shucuubta iyo dadyowga dalkeena itoobiya. Waana maalin mudan in la wayneeyo xusitaankeeda Waana maalin xusitaankeedu ina xasuusinayo jihooyinkii looga soo gudbay dhibaatooyinii cadaadisyadii iyo cabudhiskii qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya ku hay jireen maamuladii boqortooyadii iyo tii kalidii taliskii dhergiga iyo waliba neecowda qimuqoraadiyadeed, horumarineed, nabadgalyo ee hadda ay haystaan dhamaanba qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya.
Haddaba haddaan dib u eegno sida ay ku timiday xusitaanka guusha 20ka bisha ginbood oo markii 25aad guud ahaanba dalkeena itoobiya looga dabaal dagayo ayaa waxa ku iftiiminayaa qoraalkan.
Dalkeena itoobiya waxa uu ka mid yahay wadamada aan waligood la guumaysan. Balse shacab waynaha dalkeena itoobiya qarniyadii badan marka laga reebo rubuc qarnigii ugu danbeeya mayna helin nidaam dawladeed oo dimiqoraadiya ah oo u jaheeya shacabka tubta dimuqoraadiyada, horumarineed iyo nabadalyo.
Haddaan soo qaadana maamuladii ugu danbeyay ee boqortooyadii iyo tii milatariga ee dhergigu, waxay labaduba siwayn ugu guul daraysteen aqoonsiga sinaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya waxaa kale oo ay ku guul daraysteen aqoonsiga aragtida saraynta sharciga iyo waliba in ay ka jawaabaan su’aalihii xuquuqaha aas aasiga ah ee qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya.
Haddaan soo qaato xiligii boqortooyada dhibaatooyinkii ragaadiyay Qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya waxaa ka mid ahaa in sharciga ama dastuurga wadanka lagu maamulayay uu qeexayay in dadka, dhulka iyo hantida kaleba uu boqorku leeyahay, shuruucahaasi iyo Xeerarka lagu maamulayay xiligii boqortooyada ma aqoonsanayn sinaanshaha diimaha qoomiyadaha, dhaqanka iyo horumarinta luuqadaha midna. Mana jirin sharci kala qeexaya awooda dawlada wax walba waxay ka go’ijireen boqorka haddii ay tahay garsoorka iyo maxkamadaha waxaa go’aamin jiray boqorka.
Sidoo kale nidaamkii milatarigu waxa uu caadaystay cadaadiska iyo cabudhiska qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya mana jirin nidaam dawladeed oo ka turjimaya danaha iyo aayaha mustaqbalka qoomiyadaha iyo shucuubaha itoobiya.
Haddaba maadaama oo ay qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya ay soo daashadeen cadaadiskii, ciilkii, cabudhiskii iyo duudsigii laga xaqiray xuquuqihii nololeed, siyaasadeed iyo dhaqaaleba waxaa xoogaystay ciilkii iyo cadhadii ay qoomiyaduhu u qabeen maamuladaasi. Waxaana marba marka ka danbaysa sii kordhay xoogagii halkankii xukunka lagaga duurilahaa maamulkii kalidii taliskii dhergiga.
Wuxuuna halgankii loo huray naf iyo maalba uu midho dhalay guushana ay hanteen qoomiyadaha itoobiya 20kii bisha ginbood sanadkii 1983 tirsiga taarkhiid itoobiya markii xoogay ay hogaaminayaan Ururka EPRDF afka ciida u dareen maamulkii kalidii taliskii dhergiga waxayna gacanta ku qabteen guusha iyo hogaaminta wadanka.
Haddaba maadaama oo xididada loo siibay maamulkii kalidii taliskii dhergiga ayaa guud ahaanba dalka itoobiya waxa uu galay wakhti kala guur ah, waxaana soo baxay wakhtigaasi su’aalo badan oo ay iswaydiinayeen shacabka itoobiya waxaana ka mid ahaa qaabkee loo dhisi nidaam dawladeed iyo sidee loo dajin Dastuur uu yeesho dalku.
Haddaba su’aalahaasi iyo kuwa kale oo wakhtigaasi xaas xaasi ahaa si looga jawaabo ayaa waxa shir looqu baaqay dhamaan ururadii siyaasadeed ee xiligaasi ka jiray dalka. waxaana hab-waafaqsan baaqaasi loogu qabtay fagaarayaal nabadgalyo iyo dimuqoraadiyadeed si loo awooda go’aaminta aayaha mustaqbalka dalka.
Waxaana baaqaasi ka soo qaybgalay 27 Urur siyaasadeed. Waxana xasuus mudan oo ka mid ahaa baalalka dahabka ah ee furmay dalka waxay ahayd:- waa markii ugu horaysya ee abid dalka Ururo siyaasadeed oo kala duwan hal fagaare kaga wada tashadaan aayaha mustaqbalka dalka. Ururadaasi oo ka anba qaadaya aayaha hogaamineed ee mustaqbalka dalka sida uu noqonayo waxay ansaxiyeen axdiii ku meel gaadhka ahaa oo mudo kooban wadanka lagu hagayay. Axdigaa ayaa ahaa kii loogu soo gudbay nidaamka fadaraaliga ah.
Waxaana ka mid ahaa ujeedooyinka axdigaasi ku meel gaadhka ah sidii nidaamkii guumaysiga dhergiga iyo xasuuqii ka jiray dalka loo soo af jarilahaa islamarkaana loo dhayilahaa boogihii iyo dhaawacyadii uu dhergigu u gaystay qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya. In la suuro galiyo jawi sahlaya sidii ay qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya u dhisan lahaayeen nidaam dawladed oo dimuqoraadiya. In loo go’gal xaadho baal cusubna loo furo nidaamka xoriyadaha, sinaanshaha iyo aayo ka talinta dhamaanba qoomiyadaha iyo shucuubta dalka itoobiya. Waxaana mudadaasi lagu hagayay wadanka axdiga ku meel gaadhka ah la iftiiminayay daraasaadna lagu samaynayay ujeedooyinka iyo aqiidooyinka ay wadaagaan qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya.
Ugu danbayntii Axdigaasi waxa uu suura galiyay in 29kii bishii Hidaar sanadkii 1987 taariikhda dalka itoobiya la anaxiyo Dastuurka Jamuuriyada Dimuqoraadiga Fadaraalka Itoobiya waana dastuur ay dhamaanba qoomiyadaha dalka itoobiya ku dhisteen rabitaankooda iyo raali noqoshahooda kuna bilaabmaya odhaahda odhanaysa anaga oo ah qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya– .
Waana dastuurku suurta galiyay in si toos ah loo guda galo dhismaha siyaasad iyo dhaqaale bulsho oo cusub kuna salaysan sinaanshaha, rabitaanka xorta ah iyo aayaha mustaqbalka danaha guud ee dalka. Waana dastuurka suurta galiyay taabo galinta nabadgalyo waarta, nidaam dimuqoraadiyadeed oo leh damaanad waarta iyo sidoo kale dar dargalinta galinta koboc horumarineed iyo dhaqaale bulsho.
Waxaan qoraalkaygan ku soo gabagabaynayaa waxa suurta galiyay in maanta la helo guulaha waawayn ee dhinacyada horumarka xasilooni buuxda dimuqoraadiyada iyo maamulka saxar tiran waa guushii ay keentay 20ka ginbood. waxaan leeyahay aan ku xusno horumar joogtaysan guusha munaasabada xuska 20ka oo sanadkan 25 jirsatay.
Qore:- Xildhibaan Mudane Mukhtar Mahamed Cabdi. Email:- kaahin54@gmail.com
Comments are closed