Wafdigan ayaa Waxaa magaalada Fiiq ku soo dhaweeyay Masuuliyiita ugu sareysa Gobolka Iyo Degmada wafdiga waxeyna Ka Qeybgaleen Xaflad Lagu wareejin Kunteenar Agab kala duwan Sida Sariiro, Furaashyo, Dhar, Bugaag, Qalimaan, Cumputaro, Agabka-caruurtu ku ciyaarto, iyo agab kale oo kala duwan oo Jaaliyadda DDSI ee wadanka Australia ugu Deeqeen Caruunta Dugsiga Hoyga Agoonta ee magaalada Fiiq.
Waxaa Xaflada ugu Horeyn ka Hadlay Gudoomiyaha Gobolka Erer Mudane Axmed Xaaji Adan oo uga Mahad Celiyay dhamaan Masuuliyiinta Qurbajoogta iyo Jaaliyadda DDSI Ee Australia oo Deeqdan Soo gaarsiisay Sheegay in ay tahay Arrin aad u Farxad galineyso Caruurta Agoonta Ah ee Wax Barta Dugsiga Hoyga Agoonta Ee magaalada Fiiq.
Waxaa kaloo halkaasi ka Hadlay Maareeyaha Dugsiga Hoyga Agoonta Magaalada Fiiq Marwo Ubax Mursal oo uga Mahadcelisay jaaliyadda DDSI Ee Australia ay Yihiin jaaliyad Kaalinteedi kaga Aadan Taageerada dugsiga Hoyga Agoonta ee Magaalada Fiiq ay ka soo baxeen Kaalintoodii.
Waxaa kaloo Halkaasi kahadlay Gudoomiyaha degmada Fiiq Mudane C/Qaadir Xasan Maxamed oo Sheegay in Qurbajoogta DDSI waqtigan Xaadirka Ah ay ku howlan yihiin Sidii Hormarka Deegaanka ay Kaga Qeybqadan Lahaayeen Deegaan Kooda Waxaana Daliil u ah Jaaliyadda DDSi Ee Australia oo Maanta Kunteenar Deeq ah oo maanta lagu Wareejiyay Dugsiga Hoyga Agoonta ee Magaalada Fiiq
Ugu danbayntii Waxaa Halkaasi Ka Hadlay Wasiir Kuxigeenka Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdi Khaliif Buraale ( Dhoombe) oo Sheegay in Markii Hore Qurbajoogta Ay Aaminsanaayeen Fikirado Khaldan Markey Xukuumadda DDSI uu Hogaaminayo Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar u Sheegay Xaqiiqada Ka Jirta Deegaanka ay Garowsadeen waa Taa Maanta Qurbajoogta DDSI u Taagan sidii Shacabka Deegaanka ay Deeq iyo Taageero ay u Garab Taagan Yihiin.
Comments are closed