Madaxweyne Md Axmed Maxamed maxamuud Siilaanyo markii dhiiladaasi soo gaadhay waxa uu amray in ciidanka Qaranku si degdeg ah u kala dhexgalaan labada dhinac, si loo joojiyo khasaare kale oo sii kordha. Illaa hadana ciidanka Qaranku waxay ku sugan yihiin goobihii waxyeeladu ka dhacday.
Sidoo kale Xukuumadu waxay tallaabooyin lagu adkaynayo Ammaanka Dadweynaha ka qaadday gudaha magaalada Laascaanood si looga hortago in Falal dhibaatadaa la Xiriirta ka dhacaan, Maadaama labaduba wada-degan yihiin Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Xukuumadda Somaliland Waxay dhiirrigelisay ergooyin nabadoon oo madax dhaqameed ah oo ka kala Tegay Gobollada Somaliland oo dhan iyo Hargeysa oo ay Hoggaaminayaan Wasiirro, Madax-dhaqameed, Xubno ka kooban Labada Gole Guurtida iyo Wakiilada, oo hadda ku sugan aaggii dhibaatadu ka dhacday.
Intaas kaddib, Xukuumada Somaliland oo ah hay’adii fulineed ee Dalkan, mas’uulna ka ah ammaanka Qaranka waxay ugu baaqaysaa dadkii halkaa ku dagaalamay in ay ka fekeraan Dhiigga Qubanaya, isla markaana joojiyaan Xabadda, una dhego Nuglaadaan Ciidammada Qaranka ee nabadda ka shaqaynaya iyo ergooyinka nabadeed ee madax-dhaqameedku hor-kacayo ee u gurmaday.
Haba yaraatee, Xukuumada Somaliland waxba kala hadhi mayso sidii dhibaatada loo joojin lahaa is afgarad-na loogu dhammayn lahaa waxii dhacay iyo waxii sababta u ahaaba.”
Si kastaba ha ahaaatee, labadda beelood ee dagaalku ku dhex maray deegaanka Dharkeyn-geenyo ayaa ka dhashay muran ka dhashay mag labadda beelood kala qaadanayeen, taas oo keentay in goobtii lagu laayo dad badan oo arrimaha magta u joogay oo u badnaa odayaal iyo caaqilo, taasina waxay keentay in Labada Dhinac markiiba isku Hub urursadaan taasoo keentay in dagaal ka dhex qarxo, laakiinse, Ciidamada militariga Somaliland ayaa markiiba gaaray Deegaanka Dagaalku ka dhacay, taasoo kala hakisay in Dagaalladaasi sii balaartaan Waxaana hadda lagu jira Wada-xaajood lagu baajinayo in Dagaal dambe ka Qarxo halkaas.
Comments are closed