Jaaliyadda DDSI Ee Belgium Ayaa Gudoomiye Ku meel gaadh Doortay
Belgium (ESTV) 13/06/2016
Kulanka gudiga fulinta jaaliyadda ddsi ee belguim oo maanta ka qabsoomay magaalada Gent ayaa laga tashanayay aayaha jaaliyadda iyo waxyaabaha u qabsoomay jaaliyadda iyo baahiyahay ka jira jaaliyadda dhaxdeeda ayaa la isla gartay in isbadal lagu sameeyo maamulka jaaliyadda iyadoo si kumeelgaadh ah gudoomiye loogu doortay mudane cabdifatax maxamed macalin gudoomiye kugeenka loodooortay mudane maxamed badri.
Sidoo kale waxa xilka laga qaaday gudoomiyihi hore ee jaaliyadda ddsi ee belguim mudane cabdulaahi maxamuud iyadoo gudiga u mahadceliyeen intii uu xilka hayay waxii u qabsoomay
Gudiga fulinta ayaa isla gartay shirweynaha jaaliyadda in la qabto bisha 8 aad xiliga laga soo noqd fasaxayada qaar kamid ah gudiga fulinta ay jigjiga ku aadayaan.
Gudoomiye cabdifatax maxamed macalin oo ah xubin aad u firficoon oo maanta loo dhiibay hogaanka jaaliyada ayaa la filayaa wax yaalo badan oo ay maamulkii hore ka gaabiyeen in uu wax kaqabto jaaliyadda gaadhisiiyo kana shaqeeyo sidii jaaliyadda belguim ula jaanqaadi lahayd jaaliyadaha ddsi ee qurbaha deegaanka maalgashi ugu sameysan la hayeen.
Comments are closed