JIGJIGA ( ESTV) 28/06/2016
Mashaariicahan dhismayaasha ah oo laga hirgaliyay goobo ka mid ah xaafadaha maamulka magaalada jigjiga ayaa waxaa si wada jir ah xadhiga uga jaray wasiirka xafiiska waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Khayre, maayirka maamulka magaalada jigjiga mudane Axmed Maxamuud iyo wasiir ku xigeenka xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Cabdishakuur Cismaan.
Wasiirka xafiiska waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI mudane suldaan khayre oo xadhig ka jarkii ka dib la hadlayay warbaahinta DDSI ayaa sheegay in qayb ka yihiin 30 mashruuc oo ah dhismayaal loogu talagalay ganacsiga yar yare ee lagu horumarinayo iskaashatooyinka yar yar ee dhalinyarada DDSI laguna dhimayo shaqo la aanta iyo saboolnimada kuwaasi oo laga hirgalinayo maamulada magaalooyinka DDSI.
Comments are closed