Dhowr askari ayaa ku dhintay xalay mar meel u dhow masaajidka rasuulka (scw) la qarxiyay. Askartaa ayaa ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee dalka Sacuudiga.
Qarax kale ayaa ka dhacay magaalo kale oo isla Sacuudiga gudihiisa ah oo lagu magacaabo Qadiif kadib markii qof naftii halig ahaa uu halkaa isku qarxiyay.
Maalin ka hor qof walxaha qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyay Jeddah meel u dhow qunsuliyada Mareykanka asagiina waa uu dhintay labo askarina waa ku dhaawacmeen ugu yaraan.
Si kastaba ha ahaatee, qaraxii xalay ee Madiina ayaa yimid ayadoo Axadii aanu soo dhaafnay qaraxyo ka dhacay Ciraaq dadkii ku dhintay haatan lagu soo waramaayo in tiradoodu ay gaadhay 200 qof.
– See more at: http://www.hiiraan.com/news/2016/July/wararka_maanta5-96654.htm#sthash.7yNKH6Lf.dpuf
Comments are closed